Home / Warar / Hal Askari Oo Ku Dhintay Duleedka Degmada Dilla Goor Boob Lagu Bilaabay Raashin Loo Qeybinayay Dadka Abaaraha..

Hal Askari Oo Ku Dhintay Duleedka Degmada Dilla Goor Boob Lagu Bilaabay Raashin Loo Qeybinayay Dadka Abaaraha..

Wararka Hada Soo Gaadhaya Deegaanka Degmada Dila ayaa sheegaya unuu hal askari ku dhintay deegaanka lagu magacaabo harwaasha ley oo konfurta kaga beegan Degmada Dila,

Askarigan ayaa geeriyooday ka dib markii uu ka dhacay, dulmarayna gaadhi uu saarnaa raashin loo qeybiyay dadka abaarahu soo barakiciyeen oo la isku dayay in la boobo.

Askarigin ayaa amray gaadhigu inuu khasab ku dhaqaaqo markii lagu qamaamay iyagoo dhag jalaq u siin waayay dadkii boobka geysanayay rasaas xoogan oo ciidanka boolisku ku kala keneynayeen Sida uu boramanews u xaqiijay Xoghayaha Degmada Dilla.

Meydka Askarigan Dhintay ayaa loo soo qaaday magaalada borama ,
mar aan isku deynay inaan wax ka waydiino taliyaha qeybta Gobolka awdal ayaan noo suurto galin .

Isha ku hay Boramanews wararka Soo Kordha

Check Also

Daawo: Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo Ka Hadlay Munaasibad ay Maansoor Ku Qabsan lahaayeen oo Laga Horjoogsaday.